|

Haweenayda kaliya ee madow ee dhashay laba carruur ah oo caddaan ah, arrintaasi oo ah mid naadir ah AKHRI+DAAWO

London 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Hooyo madow oo ka soo jeeda Nigeria oo la yidhaahdo Cathene Howarth, oo saygeeda Richard uu caddaan yahay, ayaa noqotay haweenayda kaliya ee madow ee dhashay laba carruur ah oo caddaan ah, arrintaasi oo ah mid naadir ah,Waxay dhashay markii hore wiil caddaan ah oo indhihiisu buluug yihiin, imikana waxay dihatay gabadh iyana cad.
Sida uu daabacay wargeyska dailymail 29-kii January, waxa gabadhan laga soo xigtay inay tidhi, “Waan ku daallaa sida dadku iigu joojinayo waddooyinka iyagoo I weydiinaya inaan ilmahan dhalay.”
Waxay noqotay hooyada kaliya ee madow ee dhasha carruur caddaan ah. Dhacdadan ayaa ah mid dhawrkii milyan ee jeerba hal mar suurtogal ah.

Catherine Howarth oo 35 jir ah kuna nool Ingiriiska waxay tidhi: ‘Markii aan dhalay inankayga Jonah, waxaan u qaatay in umulisadii ay na siisay ilmo aan kaayagii ahayn. Laakiin hadana markii aan umulay inantayda Sophia ayaa nagaga sii yaab badneyd.”

“Waxaanu filaynay in arrintani aanay mar dambe dhici doonin, waanay i soo jiidatay markii aan arkay indhaheeda buluuga ah iyo jidhkeeda cad,”ayay tidhi hooyadan mucjisada ahi.

GUJI HALKAN OO KA BOGO FAAHFAAHINTA WARKAN OO DHAMAYSTIRAN

Comments are closed