|

Heego iyo Muuse Biixi oo ku fashilmay wanjalaadii khamriga ee Gudoomiye Xamarji

Hargeysa. 20 Aug, 2022 (QJ)- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani, Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarji, ayaa maanta xoriyadiisa dib u helay.

Qurbejoog ayaa ogaatay in Xamarji loo maleegay shirqool halis ahaa iyadoo la wanjalayay balse uu ka badbaaday. Maalintii ka xidhayay Xamarji waxa isla markiiba gaadhiga loo saaray quraarad Khamri ah iyadoo eedaha xeer ilaalinta loogu daray. Xamarji wuxuu ku badbaaday dhiigiisa oo laga waayay khamri iyo dhakhtarka oo ahaa nin hayb ahaan kasoo jeeda deegaanka Go’da (Muuse Cabdalle).

Qorshaha Muuse Biixi ayaa ahaa in kiiska khamriga si degdeg ah loogu xukumo, balse ma shaqayn.

Xukuumaddu waxay sidoo kale cadaadis xoogan kala kulantay beesha Makaahiil oo si adag u diidanayd kiisa wanjalaada, isla markaana diyaarsaday tallaabooyin ay kaga fal celinayaan.

Maalinta berri ah ayu Axmed Xamarji warbaahinta la hadli doonaa isagoo ka warami doonaa kiiskiisa, sida uu maanta u sheegay Qurbejoog oo kiiska la socotay.

Comments are closed