|

Heshiiska Kama dambaysta ah ee Wareejinta Dekedda Berbera oo Maanta Qalinka lagu Duugayo & Mas’uuliyiin Ku Cusub Weftigii Hawsha waday oo Ku Biiray DAAWO

Dubai 05.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiinta sare ee Shirkadda Dekedaha ee Dubai Ports World, ayaa Maanta oo Isniin ah si rasmi ah magaalada Dubai ee xarunta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Shirkaddaas laga leeyahay ugu kala saxeexanaya Heshiiska kamadambaysta ah ee wareejinta Maamulka Dekedda Berbera oo ay horraantii bishii May ee sannadkan labada dhinac isla qaateen.

Somaliland Iyo DPWGuddi arrinta Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera u qaabbilsan Xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Dubai oo ay Masuuliyiinta Shirkaddaas wadahadallo kula lahaayeen, ayaa sheegay inay isku afgarteen Shirkadda dhammaan qodobbada Heshiisku ka koobnaa oo ay qaar gadaal Xukuumaddu kaga kordhisay, isla markaana Maanta oo Isniin ah ay si kamadambays ah qalinka ugu duugi doonaan Heshiiskaas.
Afhayeenka Guddigaas ahna Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali-Shoombe) iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil oo isna xubin ka ah Guddigaas, ayaa Warbaahinta kula hadlay magaalada Dubai, ayaa sheegay in shirarkii u socday muddo toddobaad ku dhaw iyo isfaham ugu dhammaadeen Masuuliyiinta Shirkadda Dubai Ports World, isla markaana ay Maanta oo Isniin ah si laba dhinac ah u wada sexeexi doonaan heshiiska kamadambaysta ah ee Wareejinta Dekedda.
Hadalka ay Warbaahinta Siiyeen Xubnahan Guddiga Wareejinta Dekedda Berbera Xukuumadda Somaliland u qaabbilsan oo ay doorkan Wasiirradii hore Guddigaasi uga koobnaa weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, waxaannu idiinkus oo gudbinaynaa Warkooda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho fiican:-

Comments are closed