|

Heshiisyo Ay Galeen Xukuumadihii Cigaal, Rayaale Iyo Siilaanyo Oo Dib Loo Eegay DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland Siciid Saleebaan Mire, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis iyo baadhitaan lagu samaynayo 16 shirkadood oo Waddani ah, kuwaasi oo xilliyo kala duwan heshiisyo la galay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda, kuwaasi oo qaarkood qabtaan Dakhliga Dawladda.

Shirkadahaa heshiisyadooda baadhitaanka iyo Dib u eegista lagu samaynayo waxa ka mid ah kuwa Maamula haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo Shirkadda Qandaraaska ku haysata Bilaydhada ama Taarikada Gaadiidka, waxaanu Hanti-dhowruhu sheegay in tallaabadani ka mid tahay ballan-qaadyadii Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, sinnaanta iyo Sarraynta Sharciga.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du waydiisay Shirkadaha heshiisyadooda dib loo eegayo iyo ujeeddada ka dambaysa ayaa ku jawaabay “Shirkaduhu waa Shirkado Waddani ah oo waxa leh Muwaadiniin reer Somaliland, waxay heshiisyada la galeen Hay’adaha Dawladda qaar ka mid ah, waxyaabaha ay qabtaana waxa ka mid ah Adeegyada Bulshada, sida Bilaydh-lambarrada gaadiidka, Cashuurta waddo-marista, Haamaha Kaydka shidaalka. Shirkadahaasi waa 16, heshiisyadooduna waxay soo bilaabeen illaa wakhtigii Madaxweyne Cigaal, Madaxweyne Rayaale, Madaxweyne Siilaanyo. Muhiimaddu waa in Heshiisyadu wakhti leeyihiin, wakhtiguna wuu is beddelayaa, Heshiisyaduna way isbeddelayaan, markaa waxa muhiim ah inaanu la kulano Madaxda Shirkadahaasi oo aanu Xog ka helo, ujeeddaduna waa inaanu Xogtan hayno.”

Hanta-dhowraha Guud oo la waydiiyey siday sharci u noqonayaan heshiisyada ay ka mid yihiin kuwii Shirkadaha gaarka ah kula wareegeen Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ah oo hore Golaha Wakiilladu u diiday ayaa ku jawaabay “Annagu waxaanu nahay Hanti-dhowrka Qaranka, waxaanu ilaalinayaa uun Ilaha Dakhligu ka soo xeroodo, hay’adaha Qaranku way kala leeyihiin Masuuliyadda, markaa siday sharci u tahay (Heshiisyadaasi) kama jawaabayo, laakiin ujeeddadu waa inaanu Xog ka hayno heshiisyada oo aanu Dakhliga sugno, dibna loo eego Heshiisyada, imisaa Heshiisyadan Wakhtigoodu dhamaaday, imisa ayaanu dhamaanin, kuwa aanu dhamaan wax ka beddel ma lagu samayn karaa? Heshiiska laftiisa inaanu aragno oo aanu akhrino ayaanu doonaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey waxa laga yeelayo heshiisyada aan Sharciga waafaqsanayn ee Shirkadaha qaarkood ay Xukuumadihii kala dambeeyay ugu wareejiyeen adeegyada Dawladda qaarkood “Wax kasta oo aan Sharciga waafaqsanayn Sharci maaha, ama heshiis ha noqdo ama wax kale ha noqdo, markaa wax kasta oo aan dariiq sharci ah marin Go’aan Dawladeed ayaa ka soo baxaya haddii Alle yidhaahdo.”

Hanti-dhowre Siciid Saleebaan Mire waxa kale oo la waydiiyey in arrintani qayb ka tahay ballan-qaadyadii Madaxweynaha cusub ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa yidhi “Waxaanu fulinaynaa siyaasadda Madaxweynaha, wixii uu ololaha Doorashada ku galayna waa wax dhab ah oo sax ah oo fulaya, maaha hadal la iska yidhi, wax alaale iyo wixii Bulshada loo ballan-qaaday way fulayaan, tanna kuwaas ayay qayb ka tahay.”

Ugu dambayn, Hanti-dhowruhu wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay inaan shaqadan lagu soo faro-gelinayn oo ay fulayaan “Rejada aan ka qabo inay fulayaan waa boqolkiiba boqol, Waayo? Annagu waxaanu ku shaqaynaynaa siyaasadda Madaxweynaha.”ayuu yidhi

Dhanka Kale Hanti dhawraha Guud ee Qaranka ayaa Warbixin ka siiyey Golaha Wakiiladda Somaliland Xisaab Xidhka qaranka Kadib Markii uu Maanta Warbixintan siiyey.

Comments are closed