|

Hogaamiyaha Khaatumo oo ka Hadlay Rajada Wadahadalada Somaliland iyo Beelaha Bariga

Buuhoodle 17. November 2016 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galeydh,  ayaa Beeshiisa kula dardaarmay in loo midoobo wada hadalada Kooxda Khaatumo la galeyso dawlada Somaliland.

Cali Khaliif GalaydhQaar ka mida madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Beelaha  Dhulbahante, ayaa kasoo Horjeestay wada hadal uu Cali Khaliif la galay Somaliland iyagoo ku dhawaaqay Jabhad ka dagaalamaysa Gobolada Bariga Somaliland.

Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in si wanaagsan looga tashado wada hadalada beelaha barigu Somaliland la galayaan si xal looga gaadho Tabashada awood qaybsiga ee dadka degan Bariga Somaliland ka cabanayaan, waxaa uu sheegay in wadahaladaasi ay guul ka gaadhayaan beelaha Barigu.

“Wada hadalkaasi Guulbaa laga gaadhayaa, waxay dadku ka hadlayaan ee ay leeyihiin Somaliland waxbaa lagu Darsanayaa waxba kama jiraan”ayuu yidhi  Cali Khaliif Galeydh. Waxaanu intaasi raaciyey oo uu yidhi “Innagu hadaynaan Midoobin oo aynaan codkeena meel la tagin Cidna Macruuf inoo sameynmayso, Siyaasadana Hadyad la iskuma siiyo”

Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Dhulbahante ayaa dabayaaqada Bishan wada hadal uga furmayaa Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, shirkaasi waxaa lagaga wada hadli doonaa tabashada beelaha bariga Degan ee Habka Saami qaybsiga Dawladnimada Somaliland.

Comments are closed