In Ka Badan 180 Ka Tirsan Dagaal Yahaniinta Daacish & Sarkaal Sare oo Lagu Dilay Duqayn Dhinaca Cirka ah

Dimishiq 19. June 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 180 ka tirsan dagaalyahanada Ururka daacish  oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa la aaminsan yahay in lagu dilay weeraro dhanka cirka ah oo ay diyaradaha dagaalka ee Ruushku ka fuliyeen gudaha suuriya.

Wasaaradda difaaca ee dalka ruushka ayaa shaacisay inay dagaalyahanadaa daacish ka tirsan ku dileen duleedka Magaalada dira-Soor todobaadkii hore dhamaadkiisii.

Saraakiisha daacish ee ay Ruushku sheeganayaan inay dileen waxaa ka mid ah Abu Cumar Al-Biljiki iyo Abu Yaasiin Al-Masri, waxana warbixinta difaaca ruushku ku soo beegantay iyadoo maalmihii u dambeeyey ay Ruushku sheegteen inay hayaan warar aan weli la caddayn oo qeexaya in duqaymaha diyaaradaha ruushka ee dalka suuriya uu ku dhintay Hogaamiyahii Kooxda Dawlada Islaamiga ah ee daacish Abubakar Al-baqdaadi.