|

ITOOBIYA: 23 Qof Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Xabsi Lagu Xidho Oromada

Addis Ababa 08.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ugu yaraan 23 Qof ayaa ku geeriyooday dab ka kacay xabsi mucaaradka lagu xidho oo ku yaalla gudaha Itoobiya sida laga soo xigtay War ka soo baxay dowladda Salaasadii Shalay.

 

Dowladda ayaa sheegtay in 21 kamid ah dadkan ay dhinteen ka dib markii ay neeftu ku dhagtay dabka awgii halka laba kalena la toogtay, xilli ay isku dayayeen inay ka baxsdaan xabsiga, waxaana dad goob-joogayaal ah ay sheegeen in inta badan dadka dhintay ay ilaalada Xabsigu toogteen.

 

Ilaa iyo hadda lama shaacin magacyada Maxaabiista geeriyootay, iyadoo Saddex Maalmood ka dib markii Dabku ka kacay Xabsiga la maqlayo Rasaas ka dhaceysa Gudaha Xabsiga Qalinto oo ku yaalla duleedka magaalada Addis Ababa.

 

Wararka  qaar ayaa sheegaya in dhimashadan ay timid ka dib markii maxaabiista ay isku dayeen in ay si xoog ah uga baxsadaan xabsiga, waxaana dadka halkaa lagu xidho lagu hayaa in ka badan saddex sano si maxkamado loo geeyo.

 

Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dad ka badan 400 qof ay dowladdu toogatay tan iyo markii ay bilowdeen dibad-baxyadan ka dhanka ah  dowladda, iyado dadka la laayay ay  u badan-yihiin kuwa ka soo jeeda qowmiyadda Oromoda.

 

Ugu danbayn, xasbiga Qilinto ayaa waxaa ku xidhan 300 oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo waliba wariyeyaal siyaabo kala duwan wax uga qoray xaaladda Itoobiya.

Comments are closed