|

KENYA: Ciidamo Katirsan Booliska Kenya oo Qarax Ka Badbaaday

Nairobi,11,7,2016 (QJ/SDN) – Ciidamo ka tirsan booliska Kenya gaar ahaan degmada Lamu ayaa shalay ka badbaaday qarax loo galiyay wadada.

Ciidamadaa ayaa gaari saarnaa waxayna kusii jeedeen degmada Lamu gaar ahaan magaalada Mokowe. Waxaa sida uu dhigayo saaka wargeyska The Star oo Kenya kasoo baxa loo galiyay walxaha qarxa meel god ah oo biyo dageen ah oo wadada ku taal.

Lama sheegin inta ciidamadaa ay tiradoodu ahayd. Ilo-wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in hase ahaatee qaraxa gaarigu uu hareer maray sidaana ay askarta booliska ahi ku badbaadeen.

Wax khasaare ah oo lasoo sheegay in halkaa uu ka dhashay ma uu jiro. Warkaan ayaa kusoo beegmaya ayadoo dhawaan la sheegay in kooxo badan oo loo maleeyay Al-Shabaab degmadaa lagu arkay.

Taliyaha waaxda booliska ee loo yaqaano AP, Cabdullaahi Aadan ayaa sheegay inuu booliska u digay kadib markii kooxo hubeysan lagu arkay meesha lagu magacaabo Milimani oo ka tirsan bariga degmada Lamu.

Wuxuu kaloo sheegay in halkaa ciidamo ku baxa oo katirsan KDF loo diray durba si ay raggaa hubeysan u baacsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in durba geyfnaan la galiyay militariga iyo booliska intaba.

Kenya ayaa waxaa soo wajahay weeraro uga yimaada xarakada Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeedu ay galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Comments are closed