|

Kenya: Madaxda Ammaanka oo Cadaadis Lagu Saarayo inay Xilalka Wareejiyaan

Nairobi,9,7,2016 (QJ/SDN) – Shalay ayaa waxaa cadaadis uu kuyimid madaxda ammaanka ee dalka Kenya gaar ahaan madaxda boliska kadib markii Kenya ay ka dhaceen dilal loo geystay dad la sheegay inaysan waxba galabsan.

 Sharci yaqaano, siyaasiyiin iyo dadka difaaca xaquuqul insaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wasiirka Arimaha Gudaha Joseph Nkaissery, madaxa booliska Joseph Boinnet iyo ku-xigeenka madaxa laanta maamulka ee booliska Mr. Samuel Arachi ay is casilaan.

Arintaa ayaa waxaa aad usii huriyay ayadoo cabashada noocaa ah ay horeyba u jidhay in dhawaan la dilay nin sharci yaqaan ahaa oo la oran jiray Willie Kimani, nin tagsi ku waday iyo nin uu u doodayay ninkaa sharci yaqaanka ah.

Waxaa farta lagu goday biliiska oo la sheegay inay jirdileen dabadeedna khaarajiyeen dadkaa bishii lasoo dhaafay ee Juun.

Haatan ayaa arinkaa waxaa loo soo qabtay afar booliska ka tirsan, waa arinkaa kusaabsan dilka loo geystay dadkaa uu ka midka ahaa sharci yaqaanka.

Comments are closed