|

MAREYKANKA: Abaal-marin loo ballan-qaaday ruuxii keena Xogta Dilkii Darawal Soomaali ahaa

Maraykan,9,7,2016 (QJ/SDN) – Shirkada tagaasiida ee Yellow Cab ayaa abaal marin u ballan qaaday qof kasta oo soo sheega xog muhiim ah oo la xiriirta toogasho loo geystay nin Soomaali ah oo darawaladeeda ka tirsan kaas oo dhaawac ah iminka laguna daaweynaayo magaalada Louisville Kentucky.

 Ninkaa ayaa darawal ka ahaa magaaladaa waxaana toogtay dad hubeysnaa oo aan heybtooda la garanayn dhowr asbuuc ka hor asagoo shaqo ku jira goor habeyn ah.

Ninkaa darawalka ah oo lagu magacaabo C/Raxmaan Maxamed oo 27 sano jir ah waxaa lagu toogtay oo lagu dhaawacay waddada 32 Hale Avenue ee magaaladaasi Louisville Kentucky mar uu qaad islahaa qof ka kireysanaayay tagsiga.

Waxaa la sheegay ninkaa dhallinyarada ah inuu yimid Mareykanka dhowr sano ka hor, uu yahay nin xaasle ah lehna afar carruur ah.

Shirkada Yellow Cab ayaa markii hore u ballan qaaday qof kasta oo xog muhiim ah oo lagu soo qabanaayo dadkii falkaa geystay soo sheega $5,000.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa shirkadaasi iminka ka dhigtay lacagtaa abaal marinta ah $11,000.

Qof kasta oo haya xog lagu soo qaban karo dambiilaha dhaawacay darawalkaa maskiinka ah waxaa shirkadaasi ka codsatay inuu waco booliska.

Comments are closed