|

Khilaafkii doorashooyinka Puntland oo laga heshiiyay

Garoowe December 18, 2022 (QJ) -Madaxweynaha Puntland Siciid C/dilahi Deni iyo ururada siyaasada Puntland ayaa kulan ay manta Garoowe ku yeesheen dabadeed ka hesiiyay khilaafkii doorashooyinka.

Khilaafka oo salka ku hayay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo ay xukuumadu ku baaqday ayay ururada ku xireen 13 shurrdood qabashadooda.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegtay in uu aqbalay fulinta 11 qodob oo kamid ah 13 shuruud oo ay hore doorashada ugu xidheen ururada oo iyaguna laba qodob ka tanaasulay.

Ururrada Mideeye, Horseed iyo Dhallinyarada ayaa iyagu shirkii manta ka baxay oo aan saxiixin heshiiska caawa.

Comments are closed