|

Komishanka oo Qabtay Kulan lagaga Dooday Anshaxa Saxaafaddu u gudbin doonto Wararka Xisbiyada Wakhtiga doorashada Madaxtooyada DAAWO

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):-Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Hargeysa ku qabtay kulan lagaga doodayo Anshaxa Warbaahintu ku baahin doonto ama u gudbin doonto Wararka Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye wakhtiga Ololaha iyo xilliga doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka 11-aad 2017.

Kulankaas oo Guddiga doorashooyinku ku qabteen Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha iyo Weriyeyaal ka hawlgala Hay’adaha Warbaahineed ee Madaxa-bannaan iyo kuwa Dawliga ah ee Somaliland ka hawlgala, Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, Xubnaha Guddiga doorashooyinka, Guddiga anshaxa doorashada, Khabiirro iyo Masuuliyiinta Dawladda iyo Xisbiyada qaarkood.

Comments are closed