“Laga bilaabo Maanta waxaan ka tirsanahay Xisbiga Waddani, Ballanna waxaan ku qaadayaa inaan Sanaag Iyo Meel walba u Tago,Xisbiga Kulmiye Waa Dhashiisa Cune..” Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si rasmi ah maanta shaaca uga qaaday inuu ka mid noqday Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu ku tilmaamay ka ugu cadaaladda roon Xisbiyada dalka, isla markaana waxa uu dhalliilay Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu ku sheegay mid Dhashiisa cunaya sida Xawayaanka Xuushada loo yaqaanno oo kale, sida uu hadalka u dhigay Suldaanku.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu Maanta ka jeediyey Munaasibad Xisbiga Waddani ku qaabbilay Taageerayaal ku biiray oo lagu qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaanu guusha doorashada Madaxtooyada ee soo socota u saadaaliyey inuu ku guulaysan doono Cabdiraxmaan-Cirro oo Xisbiga Waddani Madaxweyne uga sharraxan.

 

Haddaba, hadalka Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Hadalka uu ka jeediyey Munaasibaddaas iyo arrimaha uu kaga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ka Daawasho Wacan oo Wanaagsan:-

https://www.youtube.com/watch?v=krrENtBeXG0