|

‘’Ma Jirto Xil uu Xisbiga Kulmiye ii Magacaabay Hadii ay ii Magacaabi lahaayeena Wax Ku Jabani ma Jirto Waayo Wax ayaa naga Dhexeeya’’ Yoonis Cali Nuur DAAWO

Sep 11, 2017 Ottawa (Cadceed) – Nabigu (CSW) waxa uu markasta ku hamiyi jiray wanaaga umadiisa iyo in ay aakhiro iyo aduunba liibaan. Habayn habaynada ka mida ayuu aad ugu ooyay umadiisa. Dhacdadaas halkan ka daawo hadaad sii fidin kartana fadalan sii fidi.

-Suxufi Yoonis Cali Nuur oo haatan ah La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa ka hadlay eedo uu Xisbiga Waddani u soo Jeediyey kuna sheegay in Xisbiga Kulmiye Xubno uu ku Jiro u magacaabay inay qayb ka noqdaan ololaha dhanka saxaafada ee xiliga doorashadda.

Yoonis Cali Nuur waxa uu sheegay in aanu hada ka shaqayn Telefishanka qaranka iyo Idaacada Radio Hargaysa isla markaana Xilkiisu yahay la taliyaha dhanka warbaahinta ee wasaaradda warfaafinta kana shaqeeyo xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayo iyo inuu Telefishanka iyo Idaacada Radio hargaysa kala taliyo tayaysiinta barnaamijyada.

Yoonis Cali Nuur Waxa uu Cadeeyay inuu Taageersan yahay Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Maadaama uu ka turjumayo himiladii uu aaminsanaa ee Ku qotonta halgankii dalka loo soo galay.

Comments are closed