|

Maamul Goboleedka Gal Mudug oo Canbaareeyay Weerarkii Saaka ay Kooxda Al Shabaab Ku Qaadeen Saldhig ay Leeyihiin Ciidamadda Punt Land

Cadaado 08. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareynayo weerarkii saaka waaberigii xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-Urur ee gobolka bari kaasoo lagu laayey askar badan oo ka tirsan ciidanka Puntland wuxuuna u qornaa sidatan.

War-saxaafadeed

Dowlada Goboleedka Galmudug waxay ka xuntahay falkii argagixisnimo ee kooxda Alshabaab ku qaaday deegaanka Af-urur oo hoostaga Gobolka Bare ee Dowlad Goboleedka Puntland, nooca falkaan oo ah mid ay nabad diidku had iyo jeer isku dayaan inay ku dhibaateeyaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ciidan iyo shacabba.

Dowlada Goboleedka Galmudug waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto walaalahood Puntland si la isaga kaashado kooxaha Al-shabab iyo Daacish oo mar walba hortaagan nabad galyada iyo xasiloonida ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ugu baaqaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Dalka, iyo dhammaan beesha caalamka in si isku mid ah la isaga wada kaashado sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya horumarka iyo nabad galyada ummadda Soomaaliyeed.

Comments are closed