|

Maayarka Magaaladda Ceerigaabo oo Dhaliiilo Xoogan u Soo Jeediyey Mashruuca JPLG ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Gudoomiyaha ka Yahay DAAWO

Ceerigaabo 26. March 2017 (SDN/QJ):- Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur ayaa ka hadlay Mashruuca JPLG ee Dawladaha hoose, oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaanu sheegay in mashruucan oo shan dawladdood ka tirsan Yurub ka wadaan dalka, in haba yaraate aan la soo gaadhsiin Gobolada Barri, isla markaana aanu jirin wax rajo ah oo ay ka qabaan in mashruucan la soo gaadhsiiyo.

Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur ayaa sidoo kale ka hadlay waxa uu ka qabtay Ceerigaabo intii uu joogay, waxaanu yidhi “Mashruuca JPLG waxaa uu dalka ka shaqeynaayey 10 sanno iyo in ka badan , waxaana bixiyey  shan dawladood ama shan ha’yadood, oo ka soo jeeda qaarada Yurub , intaa  waxaanu aheyn dacwo oo waanu sugeynay , oo waxaanu lahayn ha nala siiyo, dalkaanu la mid nahaye, waxaana uu arintaas biyo maalkeedu ku dhacay reer Barigu ma gayo lama siin karo,sidaas ayeyna nooga maqan tahay,  waxaana lala doon doonayaa  markii ay magaalooyinkii waa weynaa dhamadeen Tuulooyin la geeyo, taa iyada barri oo dhan ayaanu la qabnaa, haddii ay tahay Sanaag iyo Soolba, ma gayaan baa la yidhi rajana kama qabno mana hayno”

 

Maayarka Ceerigaabo mar uu ka hadlaayey wax-qabadkiisa wuxuu yidhi “Waxaanu qabanay waxa ka mid ah Dhismayaal badan sida Garoonka, Gawraca, Beerta Xoriyada, Xafiisyo badan, Saylada, dhul badan baanu wax ka qabanay oo dhisme ah anigoo soo koobaya, waxaanu iibsanay bahasha la yidhaahdo Sheewal, Ruglay, Booyadii Biyaha, ILLAAHAY uu noo sahlay, wey noo suura gashay,intaasiba maanta waxay yaalin xarunta dawladda hoose ee Ceerigaabo, waxaanu sameeynay 10 km oo laamiya, oo magaalada dhexdeeda ah, qayb ka mid ahna ay saaran tahay soolarkii ifinayey, waxaanu haysana laamida oo aanu ILLAAHAY la sugaynaynaa, oo sarfaygii noo dhammaaday 20 km, waxa noo qorsheysan soolarkii ifin lahaa, waxa noo qorsheysan kaadhiga Dab damiska ah, wax noo qorsheysan waxyaabo badan”

 

Comments are closed