|

Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulankiisii Kowaad Maanta la qaatay Xubnaha Golaha Wasiiradda Iyo Qodobo ka soo baxay DAAWO

Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maanta Kulankii u Horeeyay Wada yeeshay Xubnaha Golaha Wasiiradda ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland .

Kulankaa  ugu horeeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka ka nahay, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dadaal midaysan loo galo sidii umadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.

Haddaba, fadhigii koowaad ee uu yeesho golaha wasiirada cusub maanta oo ay taariikhdu tahay 16.12.2017, uuna shir Guddoominayey Madaxwaynuhu waxaa lagu go’aamiyey qodobadan soo socda;

  1. Waxaa dhamaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba.
  2. In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).
  3. In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhamays tiran.
  4. In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.
  5. In dhammaan gobolada dalku ay u sinnaadaan caddaladda iyo horumarka.
  6. Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toona. Sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu si gooniya ugu  maamuusayo
  7. In xafladaha xilwareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

Comments are closed