|

Madaxweynaha JSL, Oo Maanta Ka Qaybgalay Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee Koobka Gobolada Somaliland Oo Dhexmartay Xulalka Awdal Iyo Saaxil, Iyadoo Guushuna Raacday Gobolka Awdal SAWIRO

Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta ka qaybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka xiisaha badan ee gobolada dalka Somaliland. Ciyaartaas oo ahayd mid xamaasad gaara leh labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo dadkii daawanayey la dhaceen hanaanka ay u wada ciyaareen labadaa xul, ayaa qaybtii horeba waxa laba gool dhalisay xulka gobolka Awdal, markiii laga soo laabtay qaybta nasashada ee hafkii hore layskuna soo noqday garoonka waxa gool la timid gobolka saaxil, inkasta oo hool ku laad ciyaarta dhexdeeda loo dhigay ay lumiyeen xulka gobolka saaxil, waxay ciyaartii noqotay gari laba nin kama wada qoslisee waxa koobkii la caraabay guushuna raacday Xulkii ku ciyaaryay Gobolka Awdal.

 

Markii Ciyaartu dhamaatayna Madaxweynuhu waxa uu abaal marino kala duwan gudoonsiiyey ciyaar yahanadii ugu wanaagsanaa tartanku intii uu socday, iyo koobabkii kala duwanaa ee isugu jiray Orodada, Baaskidka oo iyana uu madaxweynuhu halkaasi ku gudoonsiiyey xulalkii ku guulaystay, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasaaradad Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Ugu dambayntiina waxa madaxweynuhu uu bixiyey Koobkii Qiimaha gaarka ah lahaa ee loo tartamayey ee ay ku guulaysteen Xulka Gobolka Awdal, waxaana sidaasi ku soo xidhmay tartankii koobka gobolada Somaliland.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey gabagabada tartanka ciyaaraha goblada dalka waxaanu yidhi  “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo aan ka mid ahay ayaa galabta garoonka Hargeysa Stadium kaga qayb galay gunnaanadka tartanka ciyaaraha gobollada.

 

“ Tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland,  Xukuumad ahaan waxaanu saarnay xoog sidii ay u qabsoomi lahaayeen, waxaanu uga gol lahayn in aanu beerno jidh caafimaad qaba, in aanu dhiiri galino is dhexgalka, iyo isbarashada ciyaartoyga da’ yarta ah, in ciyaartoyga iyo dhalinyarada guud ahaan laga mashquuliyo balwadaha, tahriibka iyo wixii la mida ah. “

 

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalen hambalyey wasaarada Ciyaaraha waxanu yidhi “ Ciyaaraha maalinba cidbaa badisa, kubadduna waa bar madow iyo bar cad, waxaan leeyahay Hambalyo Qaranka Somaliland oo dhan sida ciyaaraha gobolladu inoogu qabsoomeen, oo runtii aad iyo aad ugu duwanaa qaabkii hore.  Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan waan u hambalyeynayaa, gaar ahaana waxaan u hambalyeynayaa ciyaartoygii ka soo qayb galay tartankan, kuwii wareegii koowaad ku hadhay iyo  kuwii wareega labaad u soo gudbayba.

 

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kale hambalyo u diray kooxaha xulalka gobolka Awdal iyo  gobolka Saaxil waxaanu yidhi “ Waxaan hambalyo weyn u jeedinayaa xulka gobolka Awdal iyo xulka gobolka Saaxil oo maanta ciyaartii kama dambaysta ahayd ku kulmay, waxaan leeyahay xulka gobolka Awdal hambalyo, koobka ay qaadeen, aad ayaan ugu hambalyeynayaa ugu bogaadinayaa, waxay soo bandhigeen dadaal faro badan.  Dhinaca kale xulka gobolka Saaxil  iyagana waxaan ku bogaadinayaa oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican oo farshaxan-nimo leh sidoo kalena waxaan ku hambalyeynayaa koobkii ay xalay qaadeen ee kubadda kolayga,  waxaan leeyahay qoloba hal koob ayey la carowday, markaa guul weyn weeye, waxaan rajaynayaa inay halkaas inooga sii socdaan, sanad walba aynu wax korodhsano, qabashada tartanka ciyaaraha Goboladu qaran ahaana waa guul inoo soo hoyatay.”

dsc_0000 dsc_0001 dsc_0002 dsc_0003 dsc_0004 dsc_0005 dsc_0012 dsc_0020 dsc_0023 dsc_0027 dsc_0030 dsc_0031 dsc_0032 dsc_0034 dsc_0035 dsc_0036 dsc_0037 dsc_0038 dsc_0041 dsc_0044 dsc_0048 dsc_0050 dsc_0051 dsc_0052 dsc_0056 dsc_0066 dsc_0071 dsc_0073 dsc_0080 dsc_0082 dsc_0087 dsc_0090 dsc_0098 dsc_0099 dsc_0113 dsc_0116 dsc_0128 dsc_0135 dsc_0142 dsc_0144 dsc_0148 dsc_0151 dsc_0153 dsc_0159 dsc_0165 dsc_0170 dsc_0172 dsc_0174 dsc_0176 dsc_0177 dsc_0185 dsc_0190 dsc_0191 dsc_0192 dsc_0196 dsc_0209 dsc_0221 dsc_0227 dsc_0232 dsc_0242 dsc_0247 dsc_0248 dsc_0250 dsc_0255 dsc_0256 dsc_0257 dsc_0269 dsc_0273 dsc_0279 dsc_0283 dsc_0286 dsc_0289 dsc_0294 dsc_0305 dsc_0321 dsc_0328 dsc_0337 dsc_0349 dsc_0368 dsc_0384 dsc_0386 dsc_0403 dsc_0405 dsc_0410 dsc_0414

Comments are closed