|

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Xilkii ka Qaaday Xeer Ilaaliyihii Qaranka Dalkaasi!!

Washington 31. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah xilkii uga qaaday ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Maeaykanka Sally Yates.

Xilka qaadistan ayaa ku soo beegamaysa ka dib markii ku simaha xeer ilaaliyaha ay amar ku siisay sharciyaqaanada wasaaradda garsoorka ee maraykanka in aanay difaacin amarka madaxweynaha ee mamnuucaya inay maraykanka soo galaan dadka ka soo jeeda 7 dal oo muslim ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee Dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegayin Sally Yates oo ka tirsanayd maamulkii madaxweyne Obama in ay u gaftay wasaaradda garsoorka ka dib markii ay diiday inay meelmariso sharci loogu talagalay inuu difaaco dalka maraykanka.

Warasaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu xilkii ka qaaday isla markaana uu si ku meel gaar ah u magacaabay Dana Boente oo ah xeer ilaaliyaha bariga Virginia.

Madaxweyne Dalkaasi maraykanka Donald Trump ayaa xilka xeer ilaaliyaha guud u doortay senator Jeff Sessions kaasi oo sugaya ansixinta golaha senateka.

Comments are closed