|

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo u Dabaal degay in Somalia la soo Wareegtay Maamulka Hawadeedda Iyo Khudbad Guubaabo ah oo uu Jeediyey DAAWO

Muqdisho 28. December 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu qabtay Magaaladda Muqdisho oo dawlada Somalia ku cadaynaysay inay la soo wareegtay maamulka Hawada Somalia.

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka iyo gacan ku haynta hawada.

“Arrintaasi waxay ku timid shaqo iyo juhdi badan oo la geliyay. Halkan waxaan ku haystaan qalab ka casrisan midkii hawadeena lagu maamulayay ee yaalla Nairobi.”

“Markii aan fiiriyay, waxaa iicaddaatay in aan u diyaarsannahay oo keliya ma ahan aqoon ahaan ee xitaa qalab ahaan oo ka casrisannahay dalal badan oo Afrikaan ah”, ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: “Tani waa bilowga xoojinta qarannimadeena, waxaa noogu xigi doona oo aan gacanteena ku jirin maamulka baddeena, oo aysan jiri doonin cid ku soo xadgudbi karta oo khayraadkeenna maalin iyo habeen gurata. Ma jiri doonto cid istiraahda meesha lama joogo oo qashin ku shubi doonta”.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in ay soo celin doonaan maamulka xudduudaha Soomaaliya oo uu qiray in aysan hadda gacantooda ku jirin.

“Midnimada Soomaaliyeed waa arrin aan kulligeen ka hadalno, waana in aan xoojinaa – Iyadaa lagu gaari karaa horumar, iyadaa lagu wada shaqeyn karaa. Midnimadaas waxay ku imaaneysaa dib u heshiisiin oo aan si dhaqso ah u billaabeyno”., ayuu yiri Farmaajo.

Soomaaliya ayaa fileyso in tallaabadan ay faa’ido u noqoto dalka, “maadaama uu dhaqaale ka soo xaroodo hawada dalka”.

Balse Jamhuuriyadda Somaliland oo dood ka qabta tallaabada dowladda federaalka ayaa sheegtay “in aysan ogolaaneyn in hawdooda meel kale laga maamulo.

Dowladda Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada ayaa sheegtay in ay dib u dhis ku sameysay qalabkii lagu hagi lahaa hawadda dalka oo in muddo ah ka maqnaa gacanta dowladda.

 

Comments are closed