Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Mudo laba Todobaad ah Socdaalo ku Joogay Dalalka Isu taga Imaaraadka Carabta iyo Dalka Ingiriiska ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynuhu Warbaahinta Wax hadal ah Muu siin Taas badalkeeda Waxaa Mikirifoonka qaatay Wasiirkiisa Xannaanada Xoolaha oo Sheegay inuu afhayeen u Yahay Madaxweynaha iyo Gudoomiye Muuse Biixi.
