Washington 19. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maraykanka Mr: Donal Trump ayaa ku dhawaaqay in uu wax ka badal balaadhan ku samaynayo heshiiskii madaxweynihii hore Mr: Brak Obama la saxeexday madaxda xukuumada Kuuba, isagoo ku tilmaamay mid aan dheeli tirnayn.
Mr: Donal Trump, waxa uu intaasi ku daray in heshiiskaasi faa’iido balaadhan u keenay madaxda iyo saraakiisha mulatari ee dalkaasi, taas oo wax tar u keeni waayey shacabka dalkaasi, isagoo xusay in xidhiidhka lala yeelanayo xukuumada Kuuba uu ku haboon yahay waqtiga Kuuba, ay ka hirgasho demoqoraadiyad iyo doorasho xalaal ah.
Geesta kale, madaxda Kuuba, ayaa sheegtay in heshiiska dhex maray maamulkii hore ee Obama iyo xukuumada Kuuba, ahaa mid ku dhisan isqadarin iyo ganacsi furfuran in uu ka hirgalo Kuuba kaas oo ku imanaya si tartiib ah, hase ahaatee la joojiyo farigalin siyaasadeed iyo dacaayadaha warbaahinta laysu marinayo.

