|

Madaxweyne Farmaajo Iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo si balaadhan Maanta loogu soo dhaweeyay Magaalo Xeebeedka Boosaaso SAWIRO

Boosaaso  11. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa gaaray magaalada Boosaaso halkaasoo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka magaalada.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay degaanadaas.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Comments are closed