|

Madaxweyne Farmaajo oo Markii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ah tagay Villa Somalia Kulan gaar ahna la qaatay Madaxweynaha Xilka ka Sii Degaya SAWIRO

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta markii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ah waxa uu booqasho ku tagay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee dhawaan lagu wado in uu dego kuna shaqeeyo.

Farmaajo iyo xubno kale oo la socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna kusoo wareejiyay Madaxweynaha cusub qeybo kamid ah Villa Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo badan ay ugu horeyso sida ay u dhaceyso xil wareejinta iyo xaflada caleemo saarka.

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad balaaran oo xilka ay kula kala wareegayaan Labada Madaxweyne , waxaana Munaasabada xil wareejinta iyo mida Caleemo saarka lagu martiqaaday madax kala duwan oo caalamka ka socota.

 

Comments are closed