|

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Sheegay In Kulmiye Ay Ka Go’an Tahay Tayaynta Waxbarashada Dalka DAAWO

Hargaysa 24. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa sheegay in ay xukuumadda Kulmiye ka go’an tahay horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka.

 

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sidan ka sheegay   hadal uu shalay ka jeediyay shir lagaga hadlayay qorshaha waxbarashada Somaliland ee  sanadka 2017 ilaa 2021-ka, waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda ka go’an tahay sidii  loo  horumarin lahaa waxbarashada, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddii Kulmiye ku guulaysto doorashada madaxtooyadda ee soo socota  yoolkoodu yahay  in ahmiyad la  siiyo  hawlaha waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlada Somaliland waxay si cad u balanqaadaysaa in ay kaalin laxaad leh ka qaadan doonto ahmiyadna siin doonto hawlaha horumarinta waxbarashada, muddadii aanu haynay xilka wax badan ayaa noo qabsoomay, sida noo qorshaysan iyadoo doorashooyin soo dhawyihiin  waxa ka mida yoolka xisbiga Kulmiye hadii aanu ku guulaysano doorashada soo socota kaalin wayn ayay kaga jirtaa in waxbarashada dalka la tayeeyo, si loo gaadho yoolka heerka waxbarashada Somaliland oo soo martay marxalado kala duwan, waxaanay maanta maraysaa waxbarashadu  wakhtigii aanu tirada iyo  dhinaca  tayada  waxbarashada  saari lahayn. waayo wax  kastaaba wakhti ayuu leeyahay maadaama oo aanu markii hore ku dedaalaynay in aanu meel kasta  dugsi ka dhisno iyo in cid kasta wax la baro.”

Comments are closed