|

Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Addis Ababa Iyo Dareenada Ku Xeeran Safarkiisa SAWIRO

Addis Ababa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saacado ka hor ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa garoonka dayuuradaha Bole International Airport ku soo dhoweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Haile-mariam desilgn, Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa uga bilaabatay booqasho Qaran oo labo maalmood ah qaadan doonta.

Hablo iyo wiilal xiran dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha oo sidoo kale salaan sharaf ka qaatay kooxda baambeyda iyo ciidamada dalkaas oo hab maamuus leh u soo dhoweeyey.

Comments are closed