Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda

Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Md: Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digreeto madaxweyne  ku magacaabay duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol in uu ahaado maareeyaha Hay’adda Duulista iyo madaarada ee dalka.

Digreetada Madaxeynaha ayaa u dhignayd sidan:-

Markuu Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markuu ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markuu Sameeyey: Wada-tashi;

Wuxuu Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland