|

”Madaxweyne Muuse Biixi Waad ogtihiin Ilaa Golihii Dhexe Waan barbar Taagnaa Waxaa La Tartamayay Rag Badan Oo Aanu asxaab nahay’’ Wasiir Qabyo Tire DAAWO

Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Maxamed Ibraahin Aadan Qabyo tire ayaa ka hadlay dhismaha Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ka hadhay amase aanu kuba soo darin.

Waxaan ugu Horeyn aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Soo Dhisay Waanan Hambalyaynayaa,

 

Madaxweyne Muuse Biixi Waad ogtihiin Ilaa Golihii Dhexe Waan barbar Taagnaa Waxaa La Tartamayay Rag Badan Oo Aanu asxaab nahay,Dagaalka Wadani waxaa Nagaga Darnaa Kii Xisbigayaga Dhexdiisa Sida samaale,Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis ilaa Waqtigaa ilaa Hada waxaan Barbar Taagnaa Muuse Biixi iyo Kulmiye ujeedayduna waxay ahayd Waa ninka Kaliya ee Dalka wadi Kara Siilaanyo Dabadii

 

Alxamdulilah Ilaahay wuu Nagu Guuleeyay waxaan is leeyahay wax aad kala Hadheen Ma Jiro Wasiiradii Xukuumadii Hore,Waanu is Garab Taagnay Naf iyo Maalba Waanu Garab Dhignay,Kursigiina Waanu Saarnay Musharaxii Xisbigayaga,Xukuumada uu Dhisayna Waanu Soo Dhaweynaynaa Waanan La Shaqeynaynaa

 

Madaxweynahu isagaa Go,aanka Leh Cida La Shaqeyn Kareysa,Dawlad Kooban ayuu Dhisay 68 Wasiir ayaanu Ahayn,Xukuumadii Hore waxuu ka qaatay 6 Xubnood 62kii Kale wuu ka Tagay,Markaa Go,aanka Madaxweynaha Wax Gaar ah Oo Wasiiradii Hore ka dhaxeeyaana Ma Jirto

 

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye Ujeedada aanu ka lahayn May ahayn in aanu Xil Wasiir ka Helno ee waxay ahayd in Musharaxayaga iyo Xisbigayayagu Guuleeystaan,labadiiba waanu ku Guuleysanay,Xukuumada uusoo dhisayna waan soo dhaweynaynaa waanan Kula la shaqeynaynaa

 

Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxweynihii Hore axmed siilaanyo Waxan kasoo Bilaabay La Taliye Madaxweyne,Gudoomiye Gobol,iyo Wasiir,Wareysiyo Horena waan idin siiyay Hankaygu waa inaan Noqdo Madaxweynaha somaliland Markaa Hada wixii ka danbeeya waxaa laga yaaba in Dhinaca Xisbiga aanu u Noqono Oo Aan ka Mid Noqdo Musharaxiinta Xisbiga’’

Comments are closed