|

“Madaxweyne Ruug-caddaa ah ayaa Saaxadda ka baxayee, Wax ka Nixiya ha laga ilaaliyo doorashada..” Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargeysa  26. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgelyada guud iyo sumcadda doorashada iyo weliba ta Madaxweyne Siilaanyo oo cidda ku guulaysata doorashada ku wareejin doona, siyaasaddana faraha kala bixi doono, kaas oo uugu yeedhey in wax ka nixiya iyo wax sumcad-xumo ku noqon kara laga dhawro doorashada, waxaanu Xisbiga talada haya ee Kulmiye ugu baaqay inuu Sharciga dalka iyo Xeerarka anshaxa doorashada sidooda ugu dhaqmo.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay Mandeellaha iyo Yaasin Carafaadka Somaliland, kuwaas oo ahaa Halgamayaashii kala hoggaamin jiray Koonfur Afrika iyo Falastiin, waxa uu sheegay Faysal in Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani yahay mid ku sifoobay Qabiil, sida uu hadalka u dhigay, halka uu Kulmiye ku eedeeyey Sharci-jebin iyo inay Hantidii Ummadda ka dhaxaysay ku ololaynayaan.

 

Waxaannu Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Khudbadda uu arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay oo uu ka jeediyey mid ka mid ah Jaamacadaha Magaalada Hargeysa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed