|

MADAXWEYNE XASAN: Wasiirradu Ha Dhisaan Wasaaradahooda intii ay Gawaadhi Qaali ah ku…

xasan sheekh

Muqdisho, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Ciidanka Waxaa guud ahaan burburay hey’adihii Dowladda sida Wasaaradihii uu waddanka lahaa ee Soomaaliya, ma aysan suurta galin in ay dhismaan mudadii dowlad la’aanta la ahaa, laakiinse markii uu dalka helay dowladdo kumeel gaadh ah iyo dowladan federaalka Somalia ay lagu dhiiraday in dib boodhka looga jafo wasaaradihii dalka uu lahaa sida in lagu shaqeeyo ama dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo.

Wasaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare Wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiinta , Wasaarada Gaashaan Dhiga, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka iyo kuwa kale oo ay dowladda soomaaliya ku shaqeyso ayaa dib u dhis iyo dayactir helay.taasi badalkeeda waxaa jira wasaarado dhowr ah oo burbursan waxa ayna wasaaradahaasi ku shaqeeyaan meelo kale ama wasaarado ayay ku dhex shaqeeyaan.

Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ayaa ka mid ah wasaaradaha ku dhex shaqeeyo wasaaradaha kale xarumahooda si wasiirada wasaaradaha burbursan ay ugu yaraan ay dalka iyo dadka wax ugu kor dhiyaan, Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirada xukuumadda soomaaliya u jeediyay in ay dhisaan wasaaradaha kuwooda burbursan ,halkii ay ku horumari lahaayeen wasaarada oo baa’basan gawaadhi qaali ah oo 100-kun oo Doollar lagu soo iibiyay waa sida uu yidhi Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Muhiimad weyn ayaa wadanka & dadka Soomaaliyeed ugu jirta in la dhiso hay’daha dowladda Somalia gaar ahaan wasaaradaha oo qabta shaqooyinka golaha fulinta, wasiirada maamula wasaaradaha ayay u wanaagsan tahay in ay ka tagaan taariikh fiican, waa hal fikir wanaagsan in wasiir kasta uu xooga u saaro sida uu wasaaradiisa u dayar tiri lahaa si soomaaliya ay uga kacdo halkii ay ku dhacday rubac qarni ka hore.

Comments are closed