|

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Badda Somaliland Oo Ka Hadlay Sababta Ka Danbaysay Xilka Qaadistiisa

TALIYE XIIRANE

Hargeysa, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Taliyihii hore ee ciidanka Badda Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Xuseen Xiirane waxa uu ka hadly sababtii ka danbaysay xilka qaadistii uu dhawaan ku sameeyey madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo,

Maxamed Xuseen Xiirane waxa uu sheegay in sababta keentay xilka qaadistiisa ay ahayd markab soo gaadhay magaalo xeebeedka Berbera kaasi oo waday sahamin ku saabsan dhigista Xadhka Khadka ee loo yaqaan Viper Optica kaasi oo ay xukumadu ka hor istaagtay in uu hawlahasi halkasi ka sii wado.

Taliyaha oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii.

” Dhacdadii markabka anuu amnigiisa si baan u arkayaay sidii ugu habonayd baanan go’aankayga ka yeelay ka go’aan ahaan aniga laakiin haday dawladu si kale u aragtay oo ay igu badashay waxba kama qabo oo waan soo dhaweeynayaa,  laakin anigu sidaan u arkay arintaa waxa lala wareegayaa waa intaa waa la iska badala kurisga waanana soo dhawaynayaa  ”

Hadalkan ayuu taliyihii hore ee ciidanka Badda Somaliland ka sheegay xilli uu maanta xilka ku wareejinayay ku xigeenkiisa.

Comments are closed