Uncategorized

Madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Jabuuti oo heshiis difaac qalinka ku duugay

Paris Dec 22,2011(qurbejoog.com)-Madaxweyneyaasha Dalalka Faransiiska iyo Jabuuti Nicolas Sarkozy ayaa shalay gelinkii danbe kala sexeexday heshiis iskaashi ciidan ah,sida lagu sheegay war laga soo saaray madaxtooyada Faransiiska.

Heshiiska ayaa bedeli doona mid Jabuuti Faransiiska la gashay kolkay xoriyada ka qaadatay Faransiiska 10977kii.

Heshiiskani waxa uu siinayaa Fransiiska xero militery ka ugu weyn ee ay dunida ku leedahay,oo xarun u noqon doona 3,000 oo askeri.

Labada Madxweyne ayaa intii ay ku gudo jireen kulankooda waxa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xal u helideeda.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen xaalada burcad-badeeda Soomaalida ee ka qawleysata badaha geeska Afrika.

Warkan laga soo saaray kulanka labada madaxweyne ee Jabuuti iyo Faransiiska laguma xusin in labada masuul ay kawada hadleen dil Jabuuti loogu geystay Xaakim Faransiis ah oo la yidhaahdo Bernard Borrel.

Sidoo kale wax war ah lagama soo saarin dacwad Farance laga xareeyay oo ka dhan ah madaxweynaha Jabuuti kuna wejahan dil loo geystay labo ruux oo ka tirsan qoyska hogaamiye mucaarid ah.

 

Qurbejoog-Paris

contact@somalidiasporanews.com