|

Magacyada Rag Ka Mid Ah Ganacsatada QAADKA Oo Intooda Badan U Dhasheen Somaliland, Oo Dad Gadooday Oo Qoomiyadda Oromada Ahi Ku Laayeen Magaalada Hawaday Shalay

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya.
Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya.
Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.
Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.
Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.
Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.

 

Dhanka Kale Alle ha u naxariistee Rag Tiradooda lagu sheegay illaa 17 isla-markaana badankoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa Shalay Siyaabo kala duwan loogu Dilay Magaalada Hawaday ee Dalka Itoobiya.

Raggan la laayey oo dhammaantood ahaa Shaqaalihii ka shaqeynayey Maqsinnada Qaadka ee Magaalada Hawaday ee Qaadka looga soo diro dhinaca Somaliland, ayaa Shalay iyaga Shaqo-Maalmeedkoodii Caadiga ah ku jira waxa si Kadis ah Maqsinnadii Qaadka ee ay ku shaqeynayeen ugu soo galay Boqollaal Qof oo Qoomiyadda Oromada ah, kuwaasi oo la sheegay ka biyo-diidsanayeen Taageero la sheegay in Qoomiyadda Soomaalidu ay Taageertay Hawl-gallo ay Dawladdu kaga hor-tagaysay Kacdoonnadii Oromada ee Sannadkii hore dhammaadkiisa Dalka Itoobiya ka dhacay,   ayaa markii ay galeen Maqsinadda Qaadka ay Rasaas la dhaceen Raggii Qaad-waleyaasha ah ee Maqsinnada ku sugnaa, Qaarkoodna ay Majooyin ay siteen Qudha kaga jareen, halka ay qaarkoodna ka soo tuureen Dabaqyo ay ku jireen.

Wargeyska Himilo oo Xalay la xidhiidhay Magaalada Hawaday ayaa loo sheegay in Gabi ahaanba Maqsinnadii Qaadka ee Hawaday albaabbada loo laabay oo aanay shaqaynayn, ka dib markii Shaqaalihii Qaadka ee Dhagartaa ka badbaadday ay Nafahooda ula carareen Dhinaca Magaalada Herer, waxaana la sheegay inay wakhti Xaadirka ku jiraan Xero Ciidan oo halkaa ku taalla isla-markaana ay badbaado bideen.

Dhacdadan Naxdinta leh, ayaa keentay in Ganacsatada Qaadka ee ku sugan Somaliland, sida Caasimadda Hargeysa inay waayaan Cid ay Lacagtii Qaadka ku hagaajiyaan oo ay u diraan.

Dadkan la laayey ayaa waxay iskugu jiraan Karaaniyiin, Khasnajiyo, Dirawaliin, Iibiyaal Qaad, Raaciga Qaadka iyo Shaqaale Hoosaad kale, sidaasi awgeed Wargeyska Himilo wuxuu halkan idiinku soo gudbinayaa Alle ha u naxariistee Magacyada Lix ka mid ah 17-ka Qof ee Oromadu ku laysay Magaalada Hawaday, inkasta oo Wargeyska HIMILO ka cudur-daaranayo in aanay u suurto-galin inuu soo wada Gudbiyo Magacyada Dadkaasi oo dhamaystiran, hase-ahaatee aanu hellay Magaca koowaad iyo Naanaysaha, waxayna kala yihiin sidan:-

1.Cabdiqaadir Aadan Xasan.

2.Cismaan Cawdal.

3.Guuleed Hambase.

4.Cabdillaahi Fadhaase.

  1. Aan-is-dilno.

6.Axmed Faraqe.

Comments are closed