|

Magacyada Raggii Ka Danbeeyay Weeraradii Sucuudiga oo La Soo Bandhiggay

Ragii-is-qarxiyay-Sacuudiga-1

Riyaadh,9,7,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Sacuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada iyo muuqaalka raggii ka dambeeyay weeradii dhawaan ka dhacay dalkaasi ee lagu qarxiyay goobo ay ka mid yihiin, masaajidka Nabiga ee Madina al Munawara.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sucuudiga waxa ay sheegtay in ruuxa ka danbeeyay weerarki dhacay Isniintii hore lagu magacaabi jiray Nayer Musalam Xamad Al-Nijeydi Al-bluwi.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa  lagu sheegay in Ismiidaamiyaha uu ahaa ruux si aad ah u isticmaala waxyaabaha daroogada ah, islamarkaana uusan laheyn taariikh intaa kasii badan.

Wargeyska Arabnews ee ka soo baxa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa baahiyay in Baarayaasha Sacuudiga ay heleen magacyada 3-dii ruux ee isku qarxisay meel ku dhow Masjid ku yaala Suuqa Mayas ee magaalladda Qatiif ee Bariga Sacuudiga.

Magacyada raggaasi ayaa lagu kala sheegay Abdulkariim Ibrahim Muhammad Al-Hasani, oo 20-jir ah, Abdulrahman Saleh Muhammad Al-Imir oo 23-jir ahaa iyo Ibrahim Saleh Muhammad Al-Imir oo 20-jir ahaa.

Falkaani ayey Baarayaashu sheegen in loo hayo ku dhawaad 20 Eedeysane, oo ay ku jireen 12 qof oo u dhalatay Pakistan iyo 7 qof oo u dhashayn dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Comments are closed