Washington 08. October 2017 (SDN/QJ):-Dawlada maraykanka ayaa si rasmi ah u ansixisay in ay ka iibiso xukuumada Sacuudiga gantaalaha difaaca ee lagu magacaabo ‘’Thaat’’ kuwaas oo qiimahoodu gaadhayo ilaa shan iyo toban bilyan oo Doolar.
Afhayeen u hadlay guriga cad Mr; Noorat waxa uu sheegay in gantaalahaasi si deg deg ah loo gaadhsiinayo dalka Sacuudiga, iyadoo kaalin xoog leh ka qaadan doona difaaca gobolka khaliijka oo ay hanjabaado kaga imanayaan dalka Iraan.
Geeta kale, waxa arintan soo dedajiyey markii boqorka Sacuudigu booqasho ku tagey dalka Ruushka isagoo kula heshiiyey madaxweynaha dalkaasi Mr; Vladamir Putin in uu ka iibiyo gantaalaha difaaca ee S.400 kuwaas oo lagu tilmaamay qaar casri ah oo dhulka soo dhigi kara diyaaradaha iyo gantaalaha balaastigada ah.

