|

Marwada Kowaad oo ku Baaqday in Hay’adaha Dakhli Soo-saarka Loo Dhiibo Haween

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Marwada kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), ayaa bayaamisay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu mar kale ku celin doono Golaha Wakiillada dalab la xidhiidha sidii ay haweenka reer Somaliland loogu samayn lahaa kuraasi qoondo ah oo ay ku  tartamaan doorashooyinka goleyaasha degaannada iyo baarlamaanka.

Marwada kowaad waxa kaloo ay intaas ku dartay  in haweenka Somaliland  ay muujiyeen karti, waxaanay caddaysay  inay ka soo dhalaaleen xilal xaasaasi ah oo ay ka qabteen xukuumadda Axmed Siilaanyo, waxaanay tusaale u soo qaadatay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan  oo ay tilmaantay in la’aanteed ay miisaaniyada dawladdu is dhimi lahayd.

Waxa kaloo ay sheegtay in haweenka Somaliland ka xumaadeen in gabadha kaliya ee ku jirta aqalka wakiilladu ay ka coddaysay inaan haweenka loo samayn kuraasi iyaga u gaar ah.Marwaddu waxay sidaasi ku faahfaahisay qaybtii saddexaad ee waraysi dheer oo ay siisay Wargeyska Dawan oo labadii qaybood ee hore aanu  ku soo daabacnay  caddadyadii soo kala baxay Arbacadii iyo Khamiistii toddobaadkii hore.

Qaybtan waxay   kaga hadlaysaa siday toddobadii sannadood ee u dambeeyay ay u gacan qabatay xarunta agoomaha Hargeysa iyo kuwa gobolladaba.

Ugu horrayn Marwadda oo aanu weydiinay halka uu ku dambeeyay hindisihii kootada haweenka ee madaxweynuhu wakiillada horgeeyay, waxaanay tidhi; “Haweenka reer Somaliland waa laf dhabarta waddankeenna, waxaanay kaalin muuqata soo qaateen dhammaan halgankii xornimo doonka, halgankii dambe ee dib u xoraynta dalka. Waxa kaloo ay hormuud ka yihiin horumar iyo hawl kasta oo Somaliland haysaba.  Waxaan qabaa ragga way ka badan yihiin haweenku , haddii aanay tiro ahaan ka badnayna waxay u badan yihiin inta codeysa, haddii ay dumarku midoobi lahaayeen oo iyagu is dooran lahaayeen raggu madaxtinimo may  hawaysteen, haseahaatee ragayaga waanu jecelahay oo waa  walaalahayo, odayaashayadii markaa ragow garta qiimaha ay haweenku leeyihiin, dumarka wax dheeradana yaan la siin ee waxay xaq u leeyihiin uun  ha la siiyo,” ayay tidhi Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

Iyadoo hadalkeeda sii wadatayna waxay intaas raacisay; “Madaxweynaha Somaliland laba goor ayuu ku celiyay baarlamaanka kootadii haweenka, qoraalka madaxweynuhu  may ahayn haweenka ha loo eexdo ee waxay ahayd dumarka jaanis hala siiyo oo hoos ha loo eego. Haweenka dhibaato ayaa haysata oo  ninkay  u dhaxeen reerkiisu waxay odhanayaan oo waa reer hebel, kii ay ka dhasheenna waxay yidhaahdaan   reer bay u dhaxday, sidaas awgeed meel dhexe ayay ku lumaan.

Markaa guddi dhan ayuu u saaray madaxweynuhu waxaana la ogaaday in dadka laga tirade badan yahay iyo dumarku ay u baahan yihiin badhi-taarid, waxaan leeyahay ragow in yar uun na riixa annaga ayaa iska adkaan mustaqbalkee,”

“Madaxweyne Axmed Siilaanyo qoraalka kootada haweenka wuxuu geeyay baarlamaanka waxay dhibaatadu noqotay  gabadhii kali ahayd ee ku jirtay Baarlamaanku yaan haweenka qoondo la siin ayay u codaysay haddii aanu haweenka nahayna arrintaasi way naga yaabisay.”

Marwada kowaad waxay ku dooday  in haweenku ka soo dhalaaleen xilalkii sarsare ee looga dhiibay xukuumadda, waxaanay tusaale u soo qaadatay Wasiirka Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay xustay  in la’aanteed ay miisaaniyadda waddanku is dhimi lahayd.

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu haweenka u dhiibay wasaaradaha ugu qiimaha badan  waanay ka soo dhalaaleen. Waxaanan leeyahay dumarku xil kasta way qaban karaane masuuliyadaha dakhli soo saarka oo dhan in iyaga loo magacaabo. waayo Samsam ayaa tusaale u ah oo miisaaniyadeenna dawladdu way is dhimi lahayd haddii aanay joogin Samsam wasaaradda maaliyadda, sidaas awgeed, waxaan Muuse Biixi leeyahay   dumarka ha iloobin ee ka warhay,”ayay tidhi marwadu.

Aamina Waris waxay ugu baaqday shirgudoonka cusub inaanay ku ceeboobin qoondada haweenka,waxaanay tidhi; “Baashe Maxamed Faarax ayaa  guddoomiyaha golaha wakiillada loo doortay, gudoomiye ku-xigeenka kowaadna waxa noqday  Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, Cali Yuusuf oo guddoomiye ku-xigeenka labaad ahina wuu sii joogay, markaa  dhiig cusub ayaa yimid golihii oo mar kale ayaanu qoraal cusub ku celinaynaa golaha arrintii qoondadii haweenka. waxaan leeyahay idinku (shirgudoonka) waad cusub tihiine sidii baarlamaanki hore  ugu ceeboobeen ha ugu ceeboobina, markaa waxaanu leenahay waar markan uun  na badhi-taara. Waxaan idiin caddaynayaa imika oo aan marwadii kowaad ahay iyo marka aan ka tagaba ololaha kootada haweenka mid aan ka hadhayo ma aha ee waanu sii wadaynaa.”

Marwo Aamina Waris oo ka jawaabaysay su’aal ahayd waxay u qabteen carruurta ku jirta xarumaha agoomaha toddobadii sannadood ee madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxaanay tidhi; “Carruurtu ciidda ayay  ku cuni jireen cuntadda  oo ilmaha halka sanno jiray ka weyn ayuu ciidda kaga shubi jiray, carruurtu kabo may gashanayn.  shaadhka uu xidhan yahay mooyaane wax kale muu lahayn, iskuulada wax yar ayaa tagi jiray. markaa xarunta agoomaha wax badan ayaannu ka qabanay oo dedaal badan ayaanu galinay, Illaahay miisanka xasanaadka hawgu daree hareeraha ayaa nalala qabtay.

Samsam Cabdi Aadan  waa tii Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ahayd oo miisaaniyad  ayay u samaysay caruurta ku nool xarunta agoomaha Hargeysa. Imika qaarkood baa  jaamacadaha dalka wax ka barta, halka qaar kalena aanu ganacsigayada waaweyn ka shaqo gelinay, hay’addo caalamiya ayaa na caawiyay ta ugu mihiimsanina waxaa weeyaan dhulkii agoomaha dayr ayaanu ku wareejinay.  dhibaato faro badan ayaa naga gaadhay.”

“Xiliyada ciidaha waanu caawinaa xarumaha agoomaha. Xarunta agoomaha ee  magaalada Boorama Hay’addo ayaanu ula hadalnay, kuwa Burco sidoo kale waanu caawinay. xarunta agoomaha ee Hargeysa  aad ayaanu u gacan qabanay kuwa gobolladana waan u caawina oo aanu taakuleynaa,”ayay tidhi marwada kowaad ee Somaliland.

Comments are closed