Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):- Marwo Faadumo Siciid Ibraahin la Taliyaha Gaarka ah ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C.raxmaan Cirro ayaa ka hadashay Warar Sheegaya inay ka baxayso Xisbiga Waddani.
Marwo Faadumo Siciid Waxay eedayn Culus u Jeedisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay Sheegtay inay ku fashilantay wax ka qabashada Sicir bararka aafeeyay Somaliland.
