Muqdisho 05. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Salaad Cali Jeele oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Somalia ayaa ka hadlay hadal haynta ka dhalatay u dhiibitaankii Somalia ee Sarkaalkii C.kariin Xuseen Qalbi dhagax ee ay u gacan galisay Itoobiya.
Waxa uu Salaad sheegay in ninkani uu ka tirsanaa Ururka ONLF isla markaana Somalia aanay marti galin Ururada argagixiso, Waxa kale oo Siyaasi Salaad Cali Jeele ku dooday in Maalin kasta ay Somalia ku geeriyoodaan dad aan waxba galabsan sidaas awgeedna aanu ninkani ka Qiimo badnayn dadkaas.
