|

Mas’uuliyiin Dadaal ugu jira in Qaadka ka baxa Kenya la Geeyo Somaliland – Aqoonsina ay Siiyaan

miiroo

Nairobi,23,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Gobolka Meru Peter Munya oo ah Gobolka uu ka soo baxo Jaadka/Qaadka ay Soomaalidu u Taqaanno Miiroowga ayaa Mas’uuliyiinta ugu sarreeysay Xukuumadda Kenya wuxuu ka codsaday in ay laba jibbaarto in Somaliland lagu qanciyo inay fududeyso in Qaadka Kenya ka baxa loo iib-geeyo Somaliland.

Peter Munya ayaa xusay ujeeddada uu u booqanayo Hargeysa ay tahay inuu ka dhaadhiciyo Mas’uuliyiinta Somaliland in Meesha laga saaro Caqabadaha ku gudban in Qaadka Kenya ee Miirowga uu ka gadmi waayo Somaliland, taasoo uu ku sheegay inay tahay Muhiimada ugu weyn.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Meru, Peter Munya ayaa intaas ku daray in lacag dhan 400-Milyan oo Doollar ay Somaliland Sanadkiiba uga baxdo Qaadka uga yimaada dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya, isagoo xusay in Qaadka Miiroowga aad looga jecel yahay gudaha Somaliland, laakiin lacagta uu kusoo galo ay wax badan ka jaban tahay Qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, taasoo Miiroowga ku kaliftay inuu la tartami waayo qaadka Itoobiya oo si aad ah looga isticmaalo Somaliland oo dhan.

Isagoo hadalkiisa wata, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Meru ee Kenya wuxuu soo jeediyay in la magacaabo guddi farsamo oo dib u eegid ku sameeya canshuurta qaadka, Somaliland-na lala Xaajoodaa oo la siiyo nooc Aqoonsi ah oo ay Kenya ku Aqoonsanayso Somaliland, wuxuuna hadalkiisa daba-dhigay inuu soo jeedin doono Warbixin Arrintan ku saabsan, isla markaana uu meesha wax marayaan uga warrami doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, uuna dhawaan booqan doono Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiir Ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Cabdikariim Axmed Mooge ayaa Xukuumadda Somaliland uga digay in ay ogolaato in dalkeeda loo soo dhoofiyo qaadka Miirowga – oo kenya doonayso in ay Somaliland aqoonsi aan dhameystirnayn kaga badalato.

Ugu dambeyntii, Beeralayda qaadka Dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay Qasaaro weyn kaddib markii Qaadka laga joojiyay Dalka Britain Sannadkii 2014-kii, oo ay ka heli jireen Malaayiin Doollarka Mareykanka ah, iyadoo ay taas u raacday hoos u dhac ku yimid suuqii Qaadka ee Soomaaliya.

Comments are closed