|

Maxay Ka Wada Hadli doonaan Madaxweynaha Falastiiniyiinta Iyo Dhigiisa Masar? Iyo Fasiraad laga Bixinayo Heshiis Labada Hogaamiye dhex maray!

Qaahira 11. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas iyo Madaxweyne Masar Cabdifataax Al-Siisi ayaa ku kulmay magaalada Qaahira ee caasimada Masar.

Labada masuul ayaa lagu wadaa inay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen aragagixisada.

Saraakiil ka ag-dhaw hogaamiyaha Falastiiniyiinta ayaa sheegay inuu raadinaayo bal ina loo fasiro heshiis dhawaan dhexmaray hogaamiyaha ururka Xamaas iyo nin mucaarad ku ahaa madaxweynaha Falastiiniyiinta oo uu mastaafuriyey  oo dhawaan kulan yeeshay.

Heshiiska dhexmaray ninka uu masaafuriyey madaxweynaha Falastiiniyiintu ayaa dhigay inuu xil loo magaacabo oo noqonaya xidhiidhka arrimaha dibada ee ururka magaalad Qasa ee uu maamulka ururka Xamaas ee ka arimiye.

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AP labada masuul ayaa qorsheeyey in aanay warbaahinta u soo bandhigin waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxweyaha Masar ayaa sheegay inay labada masuul ka wada sheekaysan doonaan halka ay marayso gorgortankii ay Falastiiniyiintu ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen dawlada buuxda.

Ninka uu mastaafuriyey madaxweyaha Falastiiniyiintu oo la yidhaa Dahlaan ayaa hore u ahaa maskaxdii ka dambaysay isku dhicii labada urur ee Fataax iyo Xamaas ee aakhirkii keenay inay Xamaas ku guulaysato doorashadii ka dhacday Qasa. Dahlaan iyo ururka Xamaas ayaa hore u ahaa cadow, balse haatan waa saaxiibo isku jaal ah.

Isu soo dhawaansho dhexmaray Masar iyo Xamaas ayaa werwer ku abuuray madaxweynaha Falastiin, kaasi oo hore u rajaynayey in godoominta lagu hayo maamulka Qasa ee Xamaas uu ku qasbi doono inay isaga la heshiiyaan.  Dhawaan ayuu hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya amaanay iskaashiga ka dhexeeya dalka Masar iyo ururka Xamaas ee gacanta ku haya magaalada Qasa.

Dhawaan ayey kooxda ISIS 23 askari ku dishay Siinay ee u dhaw xuduuda Qasa, ka dib wuxuu Ismaaciil Haniya sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan wixii dhibaato ku keenaya Masar.

Comments are closed