|

Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Dhaqan-gelisay Amarkii Trump Uu Dalkaa Kaga Mabnuucayey Dadka Lix Dal Oo Muslimiin Ah

Washington 28. June 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda ugu sareeysa dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in ay ogolaatay qeyb kamid ah amarradii uu Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump uu Dadka Lix Dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay galaan dalkaasi iyo weliba in si ku meel-gaadh ah loo hakiyo qaxootiga dalkaasi geli jiray.

Maxkamadda sare ayaa Isniintii Doraad sku dhawaaqday in amarkaasi dhaqan-galayo inta ay maxamaddu ka baaraan-dageyso Sharci ahaanta amarkaasi.

Arintan ayaa guul u ah Xisbiga Jamhuuriga ah ee hoggaanka dalkaasi haya, kaa oo ku adkaysanayay in mamnuuciddu tahay mid muhiim ah sugidda amniga qaranka, inkastoo ay jireen dhaleecayn loo jeedinayay Mareykanka oo ku saabsan in uu ku xad-gudbay dastuurka dalkaasi isla-markaana si gaar ah u bartilmaameedsaday dalalka Muslimka ah.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo maxkamadda hoose ee dalkaasi ay hore u mamnuucday amarkii Madaxweynaha dalkaasi ku mamnuucay Dadka dalalkaasi Muslimka ah, taas oo keentay in aqalka cad uu racfaan qaato.

Amarka kasoo baxay Maxkamadda ayaa mudo 90 maalmood ah lix dal oo Muslimiinta ah oo ay Soomaaliya ku jirto ka mamnuucaya in ay u safraan dalkaasi, waxaa sidoo kale muddo 12 maalmood ah lagu hakiyay qaxootigii geli jiray dalkaasi.

Maxkamadda ayaa dhinaca kale sheegtay in amarkan aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin ajaanibka dalalkaasi ee Mareykanka la leh xidhiidhada ay ka midka yihiin Shaqo, waxbarasho ama xubnaha qoyskooda ku noolyihiin Mareykanka.

Lixda Dal ee Dadkooda laga Mabnuucay Maraykanka ayaa kala ah Soomaaliya, Yemen, Suuriya, Iiraan, Suudaan iyo Liibiya.

Comments are closed