|

Mucaaradka Kenya Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Natiijadii Doorashada

Nairobi 19. August 2017 (SDN/QJ):-Isbaheysiga mucaaradka ee dalka Kenya ayaa xalay saqdii dhexe maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada oo guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Xisbiga Odinga ee NASA ayaa horay u sheegay in aysan aadi doonin maxkamadda, balse ay gao’aankaasi qaateen ka dib markii ay arkeen sida ay dawladda ugu cagajugleyneysa hay’adaha aan dawliga ahayn ee doonayay inay maxkamadda geeyana dacwad ka dhan natiijada doorashada.

Mr Odinga ayaa hore u sheegay in doorashadaasi loogu shubay Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ayaa hore u beeniyay eedeyntaasi.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay doorashada mid u dhacay si xor ah, waxyna ku baaqeen xasilooini.

Mr Odinga ayaa sheegay in mucaaradkauu hayo cadddeymo muujinaya in lagu shubtay doorashada, waxaana toddobaadyada soo socda laga dhowrsugayaa go`aanka maxkamadda sare ay gaadho murranka ka dhashay natiijada doorashada.

Comments are closed