|

Mucjiso Eebbe:Gabadh Yar Oo Ku Guuleysatay Inay Wax Sawirto Iyada Oo Aan Lahayn Lugo Iyo Gacmo !

Hargaysa 01. February 2017 (SDN/QJ):- Gabadh yar oo la yidhaa Harmony ayaa waxay ku guuleysatay inay wax sawirto iyada oo aan lahayn lugo iyo gacmo midna, gabadhan yar ayaa marka hore waxay ku dhalatay iyada oo laxaadkeedu dhamaystiran yahay.

laakiin markii ay jirtay muddo sanad ah ayaa waxa ku dhacay Infection dhiiga u raacay waxa aanay arrintaasi sababtay in laga jaro lugaha iyo gacmaha, gabadhan yar oo da’deedu tahay 2 jir ayaa waxay aad u jeceshahay inay wax sawirto, isla markaana waxay waalidkeedu cadeeyeen in xanuunkii ku dhacay ee ay laxaadkeeda ku weyday aanu farxdeeda iyo nolosheeda waxba ka badalin sida Qurbejoog ka soo xigtay Shabakada Haggington Post .

Comments are closed