|

Murashax C.raxmaan Faroole oo Gaadhay Magaaladda Nairobi,Ujeedada Socdaalkiisa Xili Maanta Muqdisho Lagu Dooranayo Gudoonka Aqalka Hoose DAAWO

Nairobi 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha Somalia ahna Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Barlamanka, ayaa u dhoofay magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, halkaasoo ku sii sugnaan doono inta lagasoo dhammaystirayo xubnaha wali ka dhiman Aqalkaasi.

Cabdiraxmaan Farole, oo hadal kooban warbaahinta ku siiyay garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa sheegay in socdaalkiisan uu la xiriiro arrimaha murashaxnimadiisa islamarkaana uu dhawaan tagi doono magalaada Muqdishu.

Wuxuu sheegay inuu rajaynayo waddankan oo cagihiisa isku taaga islamarkaana hirgalo nidaamka Federaalka, isagoo xusay inuusan ahayn shakhsi markasta jecel in kaligiis la doorto, balse ku qanacsan qadarta, wuxuuna madaxda hadda xafiiska joogta ugu baaqay inay ku daydaan tallaabadii uu qaaday 2014 oo hadii xilka laga helo iska wareejiyaan, hadiise ay kusoo baxaan wuxuu ku baaqay in lala shaqeeyo oo la eego midnimada Somalia.

Farole, ayaa sidoo kale xusay in murashaxnimadiisu soo bilaabatay 04 Febreuary, 2016, taasoo sheegay inay ku dhalisay ku noqoshada Nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 kaasoo sheegay inuusan xal iyo dantoona ugu jirin bulshada Somaliyeed.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Farole, ayaa soo hadal qaaday abaaraha ka jira dalka Somalia, wuxuuna ku baaqay in loo gurmado dadka iyo duunyada tabaalaysan isagoo xusay in dhaqaalaha badan ee lagu haysto magaalooyinka ay ka imaanayaan dhinaca Duunyada.
Ganacsatada Somalida ayuu farta ku goday isagoo ku booriyay in lagacaha tirada badan ee ay haystaan lagu bad-baadiyo dadka dhibaatadu soo food-saartay, halka Culimada ugu baaqay inay gurmad gaarsiiyay qoysaska naq-raaci waayay ee wali ku go’doonsan dhulka abaarta ah.

Maamullada laftigooda, ayuu sheegay in looga fadhiyo kaalmo wixii ay awoodaan in dadkaasi la gaarsiiyo, si loo bad-baadiyo mujtamaca oo idil.

Safarka Cabdiraxmaan Farole, ayaa yimid Xilli maanta la filayo inay qabsoonto doorashada Guddoonka Aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia, waxaana la filayaa inuu kulamo ku yeesho magaalada Nairobi, xarunta dalka Kenya inta laga gaarayo waqtiga doorashada isagoo halkaas ugasii gudbi doona magaalada Muqdishu oo ah halka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Guddoomka labada Aqal.

Comments are closed