|

Musharaxa Xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo oo Shir caalami ah Colombia kaga qayb gelaya

Colombia03March17(SDN/QJ) Gudoomiyaha Xisbiga  Cadaalada iyo Daryeelka  (UCID)Mudane Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga Siciid Ucid  oo mudooyinkii u danbeeyeyba safaro shaqo ku kala  bixinayey Qaaradaha Yurub iyo Laatin Ameerika ayaa ka qayb gelaya shir caalamiya oo Axsaabta Hantiwadaaga ah ee dunida maanta uga furmay magaalada taariikhiga ah ee Wadanka Colombia.

Shirkan oo socon doona mudo sadex cisho ah ayaa diirada lagu saari doonaa sidii aduunyada loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo, sinaan iyo wadajir. Xisbiga Hantiwadaaga ah ee Colombian Liberal Party ayaa shirka marti gelinaya waxaana ka soo qayb galay 350 ergey oo ka kala socda 86 Xisbi oo Axsaabta Hantiwadaaga ee dunida ah. Waxaa sidoo kale iyana lagu marti geliyey ururo caalami ah iyo shaqsiyaad dunida magac weyn ku leh iyadoo uu madaxweynaha wadanka martida loo yahay ee Colombia mudane Juan Manuel Santos uu khudbad dheer ka jeediyey furitaankii shirka isla markaana soo dhoweeyey wufuuda shirka ka qayb gelaysa.  Halkudhiga Shiweynahan ayaa loo cugtay taaba gelinta Dunidoo nabada, Xal u helida colaadaha oogan iyo sidii looga badbaadi lahaa shaqaaqooyin cusub oo dunida ku soo kordha.

Somaliland oo shirkan ay u metelayaan waftiga uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID hor kacayo ayaa lagu wadaa inay guulo waaweyn Somaliland uga soo hooyaan. Xisbiga UCID ayaa mudooyinkii u danbeeyey guntiga dhiisha isagaga dhigay sidii Qaranka Somaliland caalamka uga heli lahaa aqoonsi buuxa, si taasi loo helana Musharaxa Xisbiga mudane Eng Faysal Cali Waraabe oo la rajaynayo inuu si weyn ugu guulaysanayo talada Dalka doorashooyinka kal danbe dhici doona ayaa wuxuu isku taxalujiyey in uu Somaliland midnimadeeda u tafa xayto, la tacaalo masiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana albaabada caalamka garaaco si qarankani u noqdo mid higsashadiisa iyo horumarkiisuba ay hirgalaan.Shirkan oo socon doona mudo sadex cisho ah ayaa diirada lagu saari doonaa sidii aduunyada loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo, sinaan iyo wadajir. Xisbiga Hantiwadaaga ah ee Colombian Liberal Party ayaa shirka marti gelinaya waxaana ka soo qayb galay 350 ergey oo ka kala socda 86 Xisbi oo Axsaabta Hantiwadaaga ee dunida ah. Waxaa sidoo kale iyana lagu marti geliyey ururo caalami ah iyo shaqsiyaad dunida magac weyn ku leh iyadoo uu madaxweynaha wadanka martida loo yahay ee Colombia mudane Juan Manuel Santos uu khudbad dheer ka jeediyey furitaankii shirka isla markaana soo dhoweeyey wufuuda shirka ka qayb gelaysa.  Halkudhiga Shiweynahan ayaa loo cugtay taaba gelinta Dunidoo nabada, Xal u helida colaadaha oogan iyo sidii looga badbaadi lahaa shaqaaqooyin cusub oo dunida ku soo kordha.

Somaliland oo shirkan ay u metelayaan waftiga uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID hor kacayo ayaa lagu wadaa inay guulo waaweyn Somaliland uga soo hooyaan. Xisbiga UCID ayaa mudooyinkii u danbeeyey guntiga dhiisha isagaga dhigay sidii Qaranka Somaliland caalamka uga heli lahaa aqoonsi buuxa, si taasi loo helana Musharaxa Xisbiga mudane Eng Faysal Cali Waraabe oo la rajaynayo inuu si weyn ugu guulaysanayo talada Dalka doorashooyinka kal danbe dhici doona ayaa wuxuu isku taxalujiyey in uu Somaliland midnimadeeda u tafa xayto, la tacaalo masiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana albaabada caalamka garaaco si qarankani u noqdo mid higsashadiisa iyo horumarkiisuba ay hirgalaan.

Xogaha shirka Colombia ee waftiga Xisbiga UCID ka qayb gelayaan iyo wixii kusoo kordha kala soco qurbejoog.com

Comments are closed