|

Nin La Gar Naqsaday Madaxweynaha Ku Yimid Awooda Ciidamadda Dalka Masar !

Qaahira Hargaysa 18. May 2017 (SDN/QJ):- Nin  u dhashay Dalka Masar gaar ahaan tuulada la yidhaahdo Al-maraashida ayaa waxa uu si toos ah ula hadlay Madaxwaynaha Dalkaasi oo uu u sheegay dhibaatooyinka haysta ee uu kala kulmay Dhul beereed ku yaalla tuuladooda oo muddo 30 sano ah muran ka taagnaa ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Xamaam Cali Cumar oo ka hadlaya Arrintaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa I soo maray daqiiqado aad u adag intii aan la hadlayay Madaxwayne Siisi, balse Daganaashihiisa iyo dhegaysiga uu I dhegaystay iyo dajinta uu cadhadaydii dajiyay iyo dhoola cadayntiisa ayaa iga yeeshay nin dagan oo wixii uu rabay si toos ah uga hadla aad ayuuna ugu mahadsanyahay Madaxwaynuhu arrintaasi”.

Dhulkan uu ku doodayay Mr Xamaam ayaa waxa la sheegay cabirkiisu uu yahay 1,000Feet kaasi oo ah dhul beereed, Madaxwaynuhuna u ballan qaaday in dhulkaasi lagu wareejin doono.

 

Comments are closed