Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baraha Bulshadu ku wada xidhiidho si aad ah looga doodayaa qadiyad ka dhalatay Gabadh Sheegtay in Waalidkeed u diideen nin ay Calmatay oo ka soo Jeeda Beesha Gabooye oo ay si qarsoodi ah isugu mehersanaayeen Mudo 3 Bilood gaadhaysa.
Oday Xasan Cabdi Khayre oo ay ehelo yihiin odayga dhalay inanta loo diiday wiilka gabooye ayaa sheegay in aabaha dhalay gabadha lagu sameeyay wax ka baxsan shareecada diinta Islaamka,Waxaa Kale oo uu Ku eedeeyay Xubno ka Soo Jeeda Madax dhaqameedka Beesha Gabooye inay ku Xadgudbeen Sharciga diinta Islaamka.
https://www.youtube.com/watch?v=IvooTpfrL6s
