Marka Jan 13 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in qaraxii maanta lagu la eegtay Ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaasi uu ahaa qarax miino islamarkaana uu qasaaro gaarsiiyay Ciidamo AMISOM ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhaco.
Miinada oo aheyd nuuca Rimuudka lagu hago ayaa waxaa la dhigay nawaaxiga Jaamacada Harare halkaasi oo ay marayeen 3-gaari oo ay AMISOM leeyihiin.
Waxa la sheegay in mid ka mid ahaa gawaaridaasi ay miinadu heleyshay islamarkaana uu gubtay walo aan la shaacin Askar saarneyd gaarigaasi oo wax ku noqtay qaraxa.
Maamulka degmada Marka ee gobolka Sh/hoose oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay qaraxaasi waxana ay sheegeen in lala bartilmaameedsaday AMISOM laakiinse aysan ka war heyn qasaaraha soo gaaray.
Masa’uuliyiinta degmada Marka ayaa sidoo kale sheega in qaraxa kaddib ay howlgal ka sameeyeen goobta ay waxka dhaceen islamarkaana ay ku soo qab qabteen rag iyo haweyn la tuhmayo.
Gaariga ay haleeshay Miinada ayaa la sheegay in nuuciisu uu ahaa Taw oo ay wateen CiidamadaBurundiee AMISOM ee ku sugan Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Majirto cid sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxa la gula eegtay Magaalada Marka.
Dhawr jeer ooh ore ayaa sidaan oo kale CiidamadaBurundiee ku sugan Magaalada Marka qaraxyo lala eegtay laakiin ma aysan shaacin askar wax uga noqotay.
SDN-Marka
