|

Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya oo Wadahadal u bilaabay Soomaalida iyo Oromada, Amarro-na Faray DAAWO

Addis Ababa 19. September 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa Kulan nabadeed lagaga wadahadlay Colaadda Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya ugu qabatay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalkaas, kulankaas oo ay ka qaybgaleen Madaxda labada Ismaamul iyo Odayaasha Dhaqanka labada dhinac, ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya ka sheegay inay dawladdu tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka dambaysay dhibaatadaas.

Waxa uu sheegay Ra’iisal-wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, kulankaas ka sheegay oo uu amar ku bixiyey inay Warbaahinta labada Ismaamul ee Soomaalida iyo Ormadu faraha kala bixi waayaan buunbuuninta iyo qaadaa-dhigga dhacdooyinka labada dhinac, gaar ahaan Xasuuqii Oromadu Haawadaay ugu geysteen Dadka Soomaalida ah ay dawladdu Tallaabo adag oo Sharci ah ka qaadi doonto.

Raysal-wasaaruhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in Dad si axmaqnimo ah loo laayo, dhibaato amni-darro iyo dhaqaale burbur ahna la sameeyo, isla markaana ay dawladda Federaalku si qoto dheer u baadhi doonto xaqiiqooyinka dhibaatadaas, cid kasta oo masuuliyaddeeda yeelatana ciqaabta ay mutaysatay sharci ahaan la marin doono.

Waxaannu Warka wadahadalka labada dhinac ee Oromada iyo Soomaalida uga bilaabmay magaalada Addis Ababa, hadallada ay labada dhinac ka yidhaahdeen waxa dhacay iyo xalka la rabo iyo weliba amarrada iyo hadalka Raysal-wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed