|

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo Shaacisay Doorasho Wakhtigeedii ka Soo Hor Marta

London 19. April 2017 (SDN/QJ):-Ra’isal-wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qabashada   doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dalka ka qabsoonta Sideeda (8)bisha Juun ee soo socota.

Theresa May waxay sheegtay in Britain ay u baahantahay, degenaansho iyo hogaan awood leh, arrintanina Waxay dabo socotaa aftidii ay Britain ku go’aansatay in ay ka baxdo Midawga Yurub.

Hogaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa isagu sheegay in xisbiga Shaaqaaluhu uu doonayey doorasho, isaga oo ku tilmaamay iney tahay fursad lagu helikaro dawlad ahmiyad siisa aqlabiyadda.

Ra’isal-wasaaraha oo sharaxaad ka bixinaysa isbadalkan ka yimi maskaxdeeda ayaa sheegtay inay doonayso in ay dadka Britain taageeraan wada hadalada dalku kaga baxayo midawga yurub.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in qorshahan la horgeeyo gelinka danbe Arbacada si uu u ansixiyo, ra’iisalwasaaruhuna waxay u baahan tahay saddex meeloodow laba aqlabiyadda xildhibaanada baarlamaanku inay taageeraan si loo qabto doorasho laga soo hormariyo waqtigii hore loogu  qorsheeyay ee ahayd 2020ka.

Comments are closed